RASMI: Kulamada Quarter-Final-ka Champions League Ee ilaa Haatan La Go’aamiyay

Kooxaha Lyon iyo Man City ayaa iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka Champions League kadib markii ay dhaafeen kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Kooxda Man City ayaa 2/1 ku garaacday kooxda 13 jeer ku guulaystay tartanka champions League ee Real Madrid iyaga oo guud ahana 4/2 ugu soo baxay wareega xiga marka la isku daro laabda lugood.

Dhanka kale Kooxda Lyon ayaa mujiso samaysay iyaga oo Juventus ka reebay champions League inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen kooxda reer Italy.

Lyon ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay Juventus laakiin waxa ay ku reebtay xeer maadama ay garoonka Juventus gool ku dhalisay.

Sidaas darteed kooxaha Man City & Lyon ayaa wada ciyaari doona kulanka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League sabtida dambe.

Sidoo kale waxa horay loo sii go’aamiyay kooxaha kale ee isla ciyaari doona wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Hadaba halkan hoose kaga bogo kooxaha 8 dhamaadka isaga hor iman doona.

Arbacada 10:00

Atalanta Vs PSG

Khamiista 10:00

RB Leipzig Vs Atletico Madrid

Sabtida 10:00

Man City Vs Lyon

Sii Akhriso: Nin Somali Ah Oo Ku Nool Maraykanka Oo Lagu Xukumay 40 Sano Oo Jeel Ah, Sabab.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*