RASMI: Kooxdii Ugu Horaysay Premeir League Ka Hadhay & Kooxdii Ugu Horaysay Ee U Soo Dalacday.

Kooxda Sheffield United ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in ay ka hadhay horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Wolves kulankii Sabtidii.

Dhanka kale kooxda Norwich City ayaa dhankooda u soo dalacday horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo 8 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka Championship-ka.

Kooxda Sheffield United ayaa xilli ciyaareedkan ciyaartay 32 kulan waxa ay badiyeen kaliya 4 kulan halka ay bar-baro galeen 2 kulan lagana badiyay 26 kulan xilli ciyaareedka.

Sidaas darteed kooxda Sheffield United ayaa heshay kaliya 14 dhibcood sidaas darteena la xaqiijiyay in ay ka hadhay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale kooxda Norwich City ayaa ciyaartay 42 kulan waxa ay badiyeen 27 kulan halka ay bar-baro galeen 9 kulan lagana badiyay 6 kulan oo kaliya xilli ciyaareedkan tartanka championship-ka.

Sidaas darteed kooxda Norwich City ayaa xilli ciyaareedka dambe ku soo laaban doonta horyaalka premier Leaue hal xilli ciyaareed kadib markii ay dhaadheceen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*