RASMI: Kooxdii Ugu Horaysay Ee Ka Hadhay Horyaalka Premier League.

Kooxda Norwich City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee sida Rasmiga ah uga hadhay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan una laabatay heerka 2-aad ee Championship-ka.

Norwich City oo xilli ciyaareedkii hore ku soo laabatay horyaalka premier League ayaa guuldaro kala kulantay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa todobaadkii 35-aad ee horyaalka Premier League.

Norwich City ayaa ilaa haatan ciyaartay 35 kulan oo premier League ah waxana ay badisay kaliya 5 kulan iyada oo laga badiyay 24 kulan sidoo kale bar-baro galay 6 kulan.

Kooxda Norwich City ayaa kaliya heshay 21 dhibcood 35-kii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan sidaasna u noqotay kooxdii ugu horaysay ee ka hadha premier League.

Sii Akhriso: Shirkii Wada-tashiga Maamul Goboleedyada Somalia Oo Soo Xidhmay Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*