RASMI: Kooxaha Isla Ciyaari Doona Semi-Final-ka Champions League Oo La Ogaaday.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega 8 dhamaadka champions League waxana isku soo hadhay 4 kooxood kuwaas oo ku kulmi doona Semi-final-ka tartan ugu tunka weyn qarada yurub ee champions League.

Kooxda PSG ayaa reebtay kooxda difaacanaysa koobka ee Bayern Munich kadib markii ay natiijada labada kulan ku dhamaatay bar-baro 3/3 ah laakiin PSG ayaa ku soo baxday goolashii ay martida ku soo dhalisay.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa reebtay kooxda Fc Porto kadib marii ay natiijo 2/1 ah kala baxday labadii kulan ee la ciyaaray iyaga oo guuldaro ku soo xidhay tartanka.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda reebtay Liverpool kadib markii ay bar-baro galeen kulankii lugta 2-aad sidaas darteed ku soo baxay natiijo 3/1 ah labada lugood.

Man City ayaa dhankeeda guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund isla markaasna guul 4/2 ah ka gaadhay kooxda reer Germany iskana xaadiriyay Semi-final-ka tartanka.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha iska xaadiriyay Semi-finalka Tartanka Champions League.

PSG Vs Man City

Real Madrid Vs Chelsea

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*