
Waxa xalay la soo afjaray wareega 32-ka ee tartanka Copa Del Rey-ga ee xilli ciyaareedkan iyada oo ay lama filaano ka dheceen tartanka kulamadii la ciyaaray.
Kooxda Real Madrid ayaa ah lama filaanka ugu weyn iyada oo tartanka kaga hadhay wareega 32-ka kadib guuldaro lama filaan ah oo ka soo gaadhay kooxda Alcoyano.
Sidoo kale waxa tartanka laga reebay Atletico Madrid taas oo la macno ah in labada kooxood ee ugu waaweyn caasimada laga reebay tartanka.
Koooxda Barcelona ayaa iyaduna dirqi ugu soo baxday kadib guul dirqi ah oo ay ka gaadhay kooxda Cornellà Iyaga oo 120 daqiiqo ciyaaray.
Be the first to comment