RASMI: Koobka Africa Oo Maanta Si Rasmi Ah U Bilaaban Doona

Kooxda qaramada Qaarada Africa ayaa maanta si Rasmi ah u bilaaban doona iyada oo xulalka ugu tunka weyn qaarada Madaw isku diyaarinayaan in ay ku tartamaan koobka ugu qiimaha badan qaarada.

24 Xul ayaa ku tartami doona koobka sanadkan iyada oo uu xul walba isha ku hayo sidii uu u noqon lahaa champion-ka qaarada Africa ee sanadka 2022.

Dhanka kale xiddigo badan oo waaweyn oo ah kuwa ay qaarada Africa ku faanto ayaa doonaya in ay kor u qaadaan koobka qiimaha badan sanadkan waliba xulkooda kula guulaystaan koobka sanadkan.

Tartanka maanta waxa lagu furi doonaa xulka Cameroon kaas oo la ciyaari doona xulka Burkina Faso ka hor inta uuna xulka Ehiopia la ciyaarin xulka Capa Verde.