RASMI: Karim Benzema Oo La Xaqiijiyay Inuu Koobka Adduunka Seegayo

ALMERIA, SPAIN - AUGUST 14: Karim Benzema of Real Madrid reacts during the LaLiga Santander match between UD Almeria and Real Madrid CF at Juegos Mediterraneos on August 14, 2022 in Almeria, Spain. (Photo by Fran Santiago/Getty Images)

Karim Benzema ayaa seegaya gabi ahaanba Koobka Adduunka ka dib markii ka dhaawacmay muruqa lugta tababarkii Sabtida.

Weeraryahanka Faransiiska oo 34 jir ah islamarkaana ku guuleystay Ballon d’Or sannadkan ayaa la filayay inuu ciyaaro kulanka ay France ku bilaabaneyso difaacashada koobka maalinta Talaadada ee ay la ciyaarayaan Australia.

Laakiin haatan wuxuu la kulmay war niyad ah oo ku saabsan inuusan ka qeyb qaadan karin Koobka Adduunka ee sannadkan ka dhacaya Qatar.

Wargeyska Faransiiska ee Le Parisien ayaa sheegeysa in baaritaano lagu sameeyay Benzema caawa oo Sabti ah lagu ogaaday inuu gabi ahaanba seegayo Koobka Adduunka.

Waxa uu qeyb ka noqonayaa liiska ciyaartoy badan oo ka dhaawacmay xulka Faransiiska ka dib Paul Pogba, N’Golo Kante, Christopher Nkunku, Presnel Kimpembe iyo Mike Maignan.

Raphael Varane iyo Jules Kounde oo qeyb ka ah ciyaartoyda xulka qaranka France ayaa iyagana shaki ku jiraa taam ahaanshahooda madaama ay dhaawacyo ka soo kabsanayaan.

Benzema ayaa kaliya 26 daqiiqo oo kubad ah u ciyaaray Real Madrid bishii November taasoo sarre u qaaday walaaca ay qabeen kooxdiisa iyo wadankiisa.

France waxay haatan ku tashan doonaan seddexdii weeraryahan ee ay ku qaadeen Koobkii Adduunka ee 2018 oo kala ah Kylian Mbappe, Antoine Griezmann iyo Oliver Giroud.