RASMI: Karim Benzema Oo Ku Guulaystay Xiddigii Ugu Fiicnaa Bishii March Ee Horyaalka La Liga.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee horyaalka La Liga bishii March kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Karim Benzema ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo dhankiisa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Benzema ayaa Real Madrid u dhaliyay goolal muhiim ah horyaalka La Liga bishii March isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guulo muhiim ah kulamo ka tirsan horyaalka.

Kooxda Real Madrid ayaa bogeeda Twitter-ka ku xaqiijisay in uu Karim Benzema ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican iyaga oo xiddiga lagu gudoonsiiyay abaalmarinta garoonka tababarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*