RASMI: Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay In Uu Jordan Henderson Seegi Doono Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu kabtankiisa Jordan Henderson seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan premier Leageu.

Xiddiga reer England ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Brighton kana tirsanaa horyaalka Premier League Arbacadii.

Xiddiga oo ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Liverpool ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay iyada oo lagu badalay James Milner.

Tababare Jurgen Klopp ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijuyay in uu Henderson ka dhaawacmay jilibka garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Klopp oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulanka Burnley ee Premier League ayaa yidhi”Waa warkii ugu xumaa, Henderson waxa uu ka dhaawacmay Jilibka, wax qaliin ah uma baahna laakiin waxa uu seegi doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”.

“Laakiin waxa aan aad u hubaa in uu diyaar u noqon doono xilli ciyaareedka cusub”.

Sii Akhriso:Dowlada Federaalka Somalia Oo Xil Muhiim Ah Ka Qabatay Xidhiidhka Jaamacada Carabta Markii Ugu Horaysay 37 Sano Kadib

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*