RASMI: Jurgen Klopp Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Man United.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagayo kooxda Man United kulan ka tirsan tartanka FA Cup-ka.

Klopp ayaa soo qaatay dhamaan xiddigaha kooxdiisa isaga oo awoodiisa oo dhan isugu keenaya kulankan xilli uu doonayo in uu guul ku hogaamiyo kooxdiisa.

Tababare Jurgen Klopp ayaan shaxdiisa ka reebin wax xiddigo ah iyada oo haatan la sugayo kaliya xiddigaha uu doonayo in uu ku bilaabo shaxdiisa.

Waxa Liiska ku soo laabtay kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson kaas oo dhaawac ku seegay kulankii Burnley ee premier League.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Klopp u soo xushay kulanka:

Goolhayayaasha: Alison, Kelleher, Adrian

Daafaca: Arnold, Robertson, Nico Williams, Tsimikas, Nat Phillips, Matip, Reese Williams, Sepp Van Den Berg.

Khadka Dhexe: Fabinho, James Milner, Vinaldom, Jones, Thiago, Chamberlain, Shaqiri, Henderson.

Weerarka: Mohamed Salah , Mane, Firmino, Origi, Minamino.

Sii Akhriso: Sidee Ayaad Naftaada Uga Hor Istaagi Kartaa In Ay Jeclaato Qof Khaldan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*