RASMI: Ivory Coast Vs Egypt & Isku Aadka Wareega 16-ka Koobka Africa Oo La Ogaaday.

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku adka wareega 16-ka ee koobka qaramada qaarada Africa kadib markii ay si Rasmi ah u dhamaadeen wareega Group-yada oo muddo 2 todobaad ah socday.

Wareega Group-yada ayay ka dheceen lama filaano waaweyn iyada oo laga reebay koobka xulal waaweyn oo magac leh kuwaas oo loo saadaalinayay ku guulaysiga koobka Sanadkan.

Xulalka Ghana iyo Algeria ayaa ah xulalka sida weyn loogu saadaalinayay koobka laakiin waxa ay si lama filaan ah tartanka uga hadheen wareega Group-yada tartanka Koobka Africa.

Dhanka kale waxa jira xulal lama filaan tartanka ku qaatay waliba ka yaabsaday Africa inkasta oo aan xita la filayn in ay wareega Group-yada ka baxaan.

Xulalka Cape Verde, Gabon, Gambia, Malawi iyo Comoros ayaa ka yaabsaday adduunka waxana ay iska xaadiriyeen wareega xiga ee tartanka koobka Africa.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Isku aadka wareega 16-ka koobka Africa:

Burkina Faso Vs Gabon

Nigeria Vs Tunisia

Senegal Vs Cape Verde

Cameroon Vs Comoros

Ivory Coast Vs Egypt

Morocco Vs Malawi

Guinea Vs Gambia

Equatorial Guinea Vs Mali