
Waxa la soo afjaray kulamadii wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kaas oo la ciyaaray Jimcihii ilaa Isniintii oo shalay ahayd.
Kooxaha Liverpool Iyo Arsenal ayaa ah kooxaha ugu waaweyn ee wareegan kaga hadhay tartanka FA Cup-ka kadib guuldarooyin ay la kulmeen.
Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Man United halka ay Arsenal guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Southampton.
Isku aadka ayaa horay loo sameeyay laakiin waxa aan Akhristayaasheena xasuusinaynaa qaabka ay isugu aadeen maadama markii hore hal mar la wada sameeyay isku aadka wareega 4-aad iyo 5-aad.
Waxa isugu soo hadhay wareegan 16 kooxood kuwaas oo ku tartami doona wareega 8 dhamaadka iyo wareegyada ka dambeeya.
Wareega 5-aad ayaa la ciyaari doonaa 10 bisha February kuna beegan maalin Arbaca ah
Leicester vs Brighton
Swansea vs Man City
Everton vs Tottenham
Barnsley vs Chelsea
Wolves vs Southampton
Sheff Utd vs Bristol City
Man Utd vs West Ham
Burnley vs Bournemouth/Crawley
Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Arin Oo Dhici Doona Kaliya Hadii Aad Noloshaada Ku Haysto Gabadha Saxda Ah.
Be the first to comment