
Xidhiidhka La Liga ayaa si Rasmi ah u soo saaray isku aadka wareega 16-ka ee tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan 2020/2021.
Isku ayay ka maqan yihiin kooxaha ugu waaweyn caasimada Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid oo wareegii 32-ka kaga hadhay tartanka.
Laakiin Kooxda Barcelona ayaa ku aadkay koox jilicsan waxana ay la ciyaari doontaa kooxda Rayo Vallecano Kulanka wareega 16-ka.
Dhanka kale Athletic Bilbao ayaa la ciyaari doonta kooxdii ka yaabsatay Real Madrid ee Alcoyano.
Kulamada wareega 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 26, 27 iyo 28 bishan haatan lagu jiro ee January.
Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Arin Ay Raggu Ka Doonaan Gabdhaha Kadib Guurka, Gabadheey Ku Dadaal Arimahan, Waa Muhiim.
Be the first to comment