RASMI: Isku Aadka Todobaadka Ugu Horeeya Horyaalka La Liga Oo La Shaaciyay

Waxa la soo saaray Isku aadka xilli ciyaareedka 2022/2023 ee horyaalka La Liga oo uu soo saaray xidhiidhka La Liga maanta oo khamiis ah.

Waxa la shaaciyay kulamada La Liga uguna muhiimsan yihiin wakhtiga la ciyaari doono kulanka El Clasico kaas oo dhici doona todobaadkii 9-aad ee xilli ciyaareedka.

Kooxda Real Madrid ayaa difaacashada La Liga ku bilaabatah doonta kulan ay la ciyaari doonto kooxda Almeria kulan ay booqan doonto kooxda u soo dalacday La Liga.

Dhanka kale Barcelona ayaa Camp Nou kula ciyaari doonta kooxda Rayo Vallecano kulankooda ugu horeeya ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Atletico Madrid ayaa dhankooda booqan doonta kooxda Getafe kulankooda ugu horeeya ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub.

Halkan Hoose Kaga Bogo Todobaadka ugu horeeya ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*