RASMI: Isku Aadka Semi-Final-ka Europa League Oo La Shaaciyay & Kulamo Xasaasi Ah Oo Ka Soo Baxay

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega 8 dhamaadka tartanka Europa League iyada oo si Rasmi ah loo ogaaday kooxaha isaga hor iman doona wareega Semi-final-ka.

Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda copenhagen iyaga oo iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka markii 2-aad ee taariikhdooda.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa garaacday kooxda Bayer Leverkusen iyaga oo iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka markii ugu horaysay muddo 10 sano ah.

Kooxda Shakhtar Donetsk ayaa iyaduna garaacday kooxda Basel iskana xaadirisay Wareega Semi-finalka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Ugu dambayn kooxda Sevilla oo ah kooxda boqorka u ah tartankan ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka iyaga oo guul ka gaadhay kooxda Wolves.

Kadib natiijooyinkaas waxa si Rasmi ah u soo baxay wareega 8 dhamaadka tartanka Europa League oo xilli ciyaareedkan xiiso gaar ah leh.

Wareega 8 dhamaadka Europa League ayaa la kala ciyaari doonaa 16 iyo 17 bishan haatan lagu jiro kuna beegan Axada iyo Isniinta dambe.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo isku aadka wareega Semi-final-ka.

Inter Milan Vs Shakhtar Donetsk

Man United Vs Sevilla.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*