RASMI: Isku Aadka Club World Cup-ka Oo La Soo Saaray

Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa soo saartay isku aadka tartanka Club World Cup-ka sanadka 2021 kaas oo ay ka qayb qaadan doonto kooxda Bayern Munich.

Kulanka ugu horeeya kooxda Tigres ayaa la ciyaari doonta kooxda ku guulaystay champions League Asia ee Ulsan Hyundai halka kooxda ka socota dalka marti galinaya tartanka ee qatar ee Al Duhail ayaa la ciyaari doonta kooxda ku guulaysatay champions League Africa.

Kooxaha soo badiya wareega hore ee Tigres & Ulsan Hyundai ayaa ka hor tagi doona midkood kooxaha Palmeiras Ama Santos kuwaas oo wada ciyaari doono Final-ka Copa Libertadores.

Halka midkood soo badiya kooxaha Al Duhail & Al Ahly ay la kulmi doonaan kooxda champions League ku guulaystay ee Bayern Munich.

Final-ka ayaa kadib la ciyaari doonaa 11 bisha February ee soo socota.

Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*