RASMI: Inter Milan Oo Si Rasmi Ah U Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Achraf Hakimi

Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Achraf Hakimi kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Real Madrid heshiis ku kacaya 45 milyan oo euro.

Kooxda ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga 31 jirka ah qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah oo uu kooxda kula sii joogi doono ilaa xagaaga 2025.

Achraf Hakimi ayaa kooxda mushahar ahaan uga qaadan doona lacag dhan 5 milyan oo euro 5-taas sano ee uu joogo.

Xiddiga ayaa iska diiday kooxo badan oo Premier League ah iyo kuwo Bundesliga ah si uu ugu biiro kooxda Inter Milan kadib markii uu dhamaystay heshiiskii Amaahda ahaa ee uu kula joogay Dortmund.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*