RASMI: Heshiiska Lionel Messi Ee Barcelona Oo Dhacay & Lionel Messi Oo Markii Ugu Horaysay Xirfadiisa Bilaa Koox Ah.

Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona ayaa si Rasmi ah u dhacay xiddiga Reer Argentine ayaa markii ugu horaysay xirfadiisa ciyaareed bilaa koox ah maadama uuna wali ogolaan heshiis cusub oo uu u saxiixo kooxda Barcelona.

Kadib markii uu heshiiskiisu dhacay shalay oo ahayd 30 bisha June Lionel Messi ayaa bilaa koox ah waxana uu qaab xor ah ugu biiri karaa koox kasta oo uu doonayo.

Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa ka shaqaynayay sidii uu Lionel Messi ugu qancin lahaa heshiis cusub laakiin heshiiskii hore ee xiddiga ayaa haatan si Rasmi ah u dhacay

Xaalada dhaqaale ee kooxda ayaa ka hor istaagtay in ay xiddiga 34 jirka ah ka saxiixato heshiis cusub ilaa haatana wax cadayn ah lama hayo wakhtiga uu xiddigu mar kale noqon doono xiddig Barcelona ah.

Laporta ayaa taageerayaasha Barcelona ugu baaqay in ay daganaan muujiyaan waliba uu Messi doonayo in uu heshiis cusub saxiixo wakhtiga ugu dhaw sidaas darteed ayna ka wal-walin xaalada xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*