RASMI: Goolhayayaasha U Tartami Doona Abaalmarinta Goolhayaha Ugu Fiican Ee Yashin Trophy Oo La Shaaciyay

Majalada France Football ayaa ku dhawaaqday liiska musharixiinta u tartami doona abaalmarinta Yashin Trophy ee 2021, taasoo la siiyo goolhayaha ugu fiican sannadka.

Majalada ayaa maanta bilowday shaacinta Xiddigaha u tartami doona abaalmarinta Yashin Trophy Kaas oo ay ku tartami doonaan Goolhayayaasha ugu fiicnaa sanadkii 2021.

Waxa Liiska ku jira 10-ka Goolhaye ee ugu fiican ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay waxana ka maqan Goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc-André ter Stegen kadib markii uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay.

Dhanka kale waxa Liiska ku jira Goolhayaah kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois iyo Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak sidoo kale Goolhayaha PSG ee Gianluigi Donnarumma.

Halkan Kaga Bogo Liiska Goolhayayaasha u tartami doonta Abaalmarinta:

  1. Donnarumma (PSG),
  2. Edersson (Man City).
  3. Schmeichel (Leicester City).
  4. Mendy (Chelsea).
  5. Oblak (Atletico Madrid)
  6. Courtois (Real Madrid).
  7. Navasa (PSG)
  8. Handanovic (Inter)
  9. Neuer (Bayern)
  10. Martinez (Aston Villa)

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*