RASMI: Gool Dhalinta Horyaalka Premier League Oo Lagu Kala Baxay, Yaa Ku Guulaystay?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo ku qaaday 23 gool.

Xiddiga reer England ayaan waxba dhalin kulankii ugu dambeeyay ee premier League laakiin waxa uu xaqiiqsaday abaalmarinta kadib markii ay xiddigaha kale soo gaadhi waayeen.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa isku dayay in uu abaalmarinta markii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaysto laakiin hal gool ayaa looga qaaday abaalmarinta.

Xiddiga reer Gabon ayaa 2 gool ka dhaliyay kulankii ay Arsenal garaacday kooxda Watford laakiin labadaas gool ayaan kaga filnaan in ay abaalmarinta u gacan galiyaan.

Sidaas darteed xiddiga khabiirka ah ayaa ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2019/2020 kadib xilli ciyaareed taariikhi ah oo uu soo qaatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*