RASMI: Garsoorihii Hayay VAR-ta Kulankii Liverpool Vs Everton Oo Shaqada Laga Fadhiisiyay.

Garsoore David Coote ayaa laga fadhiisiyay shaqada Garsoorenimo xilli ciyaareedkan kadib khaladkii uu sameeyay kulankii Merseyside derby.

Coote Ayaa ku fashilmay in uu si fiican u eego khaladkii uu Goolhayaha Everton ee Jordan Pickford ku galay Virgil van Dijk kaas oo sabab u noqday in uu xiddigu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Coote ayaan mar dambe xilli ciyaareedkan dhex-dhexaadin doonin wax kulan ah hadii ay noqoto in uu Noqdo Garsooraha 1-aad ama Garsooraha VAR-ta laakiin waxa uu noqon doonaa Garsooraha 4-aad oo kaliya.

Maamulka Premier League ayaa talaabadan qaaday kadib Markii ay kooxda Liverpool sharaxaad ka dalbatay Wixii ka dhacay kulankii Everton.

2 Comments

  1. Odoyaal hool gab ah ayay hool ka weyn qoorta ugalsheyn shaqo kafariisintiisa waxay Liverpool usiyaadineyso malahin labada Mid in 3 dhibcood lasiiyo ama laxdi van Dijk dhawacday laganaaxo Waye faaidada Lfc

    • Nio aniga wxn u arkaa arintaan qalad weyn ay gashay fifa.
      Van Dij kubada lagu cunay ee qalad laguma gelin.yaa is gaaray game ka cawana m.salah iyo mane midbaa maqan hhhhhh next game isna ferminho iyo thiago midbaa cuneysaa kadib aan aragno awoodiina

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*