RASMI: Garoomada Lagu Ciyaari Doono Kulamada Hadhay Wareega 16-ka Champions League & Europa League Oo La Shaaciyay.

Xidhiidhka Kubada cagta yurub ee UEFA ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in kulamada lugta 2-aad ee ka hadhsan tartamada champions League iyo Europa League lagu ciyaari doono garoomadii loogu tala galay markii hore

Kulamadaas ayaa dhamaan lagu ciyaari doonaa bilaa taageerayaal laakiin UEFA ayaa sheegtay in ay qiimayn doonto xaaladaha lagana yaabo in taageerayaal lagu ciyaaro wareegyada dambe ee tartanka.

Man City ayaa Real Madrid ku marti galin doonta Etihad Staduim lugta 2-aad ee wareega 16-ka halka ay Chelsea u duuli doonto Germany si ay ula ciyaarto Bayern Munich.

Dhanka kale Kooxda Barcelona ayaa Camp Nou ku marti galin doonta kooxda Napoli lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions Legaue.

Kadib marka la dhamaystiro wareegyadaas champions League ayaa lagu ciyaari doonaa hal kulan iyada oo lagu ciyaari doono Portugal.

Dhanka kale Europa League ayaa kulamada hadhay lagu ciyaari doonaa garoomada caadiga ah halka 8-da kooxood ee ugu dambeeya lagu ciyaari doono Germany bisha August kulamo hal lug ah.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre Oo Si Adag Uga Soo Hor Jeestay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Haatan Kuna Adkaystay In La Qabto Doorashada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*