RASMI: European Super League Oo La Kansalay Kadib Muran Badan Oo Kooxo Badan Ku Qasbay In Ay Mid-Mid Uga Baxaan.

Tartanka European Super League ayaa si Rasmi ah loo kansalay kadib markii uu bur-buray qorshaha tartanka sabab la xidhiidha in ay ka bexeen 6-da kooxood ee premier League sidoo kale raacayaan kooxaha kale ee ogolaaday.

18 Bishan ayay ahayd markii ay Kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub ku dhawaaqeen tartan cusub oo lagu magacaabo European Super League iyaga oo doonayay in ay isaga baxaan tartanka champions League.

Laakiin go’aankaas ayaa dhaliyay fal celin wada jir ah oo ay u midoobeen dhamaan taageerayaasha kooxaha, Khabiirada, xidhiidhada iyo waliba xiddigaha laftooda.

Laakiin kooxaha Premier League ayaa si deg-deg ah uga baxay tartanka kadib markii ay cadaadis waali ah kala kulmeen taageerayaasha kooxaha kuwaas oo sameeyay mudaharaado waali ah.

Ugu dambayn 6-da kooxood ee ugu waaweyn ayaa ka baxay tartanka European Super League taas oo ay ka dambaysay cadaadis xoogan oo dhanka taageerayaasha ah.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa la rumaysanyahay in ay ku biirayaan Liiska kooxaha ka baxaya tartanka sidoo kale kooxaha Ac Milan iyo Inter Milan iyada oo kooxaha Juventus iyo Juventus yihiin labada kooxood ee aan wali wax go’aan ah gaadhin.

Sidaas darteed waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu tartanka European Super League joogsaday oo la Kansalay waliba uuna horay u sii socon doonin.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*