RASMI: EUFA Oo Shaacisay Garoonka Dhex-Dhexaadka Ah Ee Lagu Ciyaari Doono Kulanka Chelsea & Fc Porto Ee Champions League

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa si Rasmi ah u shaacisay in labada lugood ee kulanka champions League ee dhexmari doona Chelsea iyo Fc Porto 8 dhamadka champions league lagu ciyaari doono garoon dhex-dhexaad ah.

UEFA ayaa xaqiijisay in labadaas kulan lagu ciyaari doono garoonka dalka Spain gaar ahaan Magaalada Sevilla sabab la xidhiidha bandooyida Portugal la dhigay ee u diidaya in ay chelsea u safarto dalkaas..

Sidaas darteed UEFA ayaa xaqiijisay in labada kulanba lagu ciyaari doono garoonka kooxda Sevilla ee Estadio Ramon Sanchez-Pizjuan halkii lagu kala ciyaari lahaa labada garoon ee labada kooxood.

Kulanka lugta 1-aad ayaa dhici doona 7 bisha April halka lugta 2aad la ciyaari doono 13 bisha April ee soo socota wakhtiguna yahay midka la ciyaaro tartanka champions league.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*