RASMI : Eric García Oo Man City Ka Tagaya, Imisa Sano Ayuu U Saxiixayaa Kooxda Barcelona

Tababaraha Man City ayaa shaaca ka qaaday in xiddigiisa Eric García uu kooxda ka huleelayo waliba qaab xor ah oo uu ugu wareegayo Barcelona

Pep ayaan arintaas xaqiijiyay ka dib guushii Man City xalay ee Tottenham oo ay ku qaadeen markii 4-aaad xariir ah koobka Leugue Cup-ka

ESPN ayaa ka soo xigatay dhanka kale wariyaha caanka ku ah arimaha suuqa ee Fabrizio Romano in lacibkaas 20 sano jirka ah uu Barcelona u saxiixayo hishiis gaaraya illaa iyo xagaag 2026

Hishiiskiisa City marka xilli ciyaareedkaan uu dhamado ayuu ku siman yahay ka dib markii lagu fashilmay in mid cusub laga saxiixo waxa uuna dib ugu laabanayaa kooxdiisa hore ee Barca

Eric García ayaa Barca hpray ugu soo ciyaaray waxa uuna ka soo tagay xagaagii 2017-ka waxa ayna Barca haatan u arkaan mid xoojin kaar daafaca kooxda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*