RASMI: Dhamaan 6-da Kooxood Ee Premier League Oo Ka Baxay tartanka European Super League

Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Tottenham ayaa Kooxaha chelsea iyo Man City kula biiray ka hadhista tartanka European Super League.

Kaliya 48 saac kadib markii ay kooxo ay ka mid yihiin 6-da kooxood ee ugu waaweyn ku biireen tartanka European Super League iyaga oo kula biiray 6 kooxood ee Serie A-da iyo Spain ah.

Taageerayaasha, siyaasiyiinta, falanqeeyayaasha ayaa u midoobay go’aanka ay kooxaha ugu waaweyn ugu biireen tartanka European Super League iyaga oo si adag uga soo hor jeestay qorshahaas.

Laakiin Qorshihii tartanka European Super League ayaa gabi ahaan bur-buray kadib markii ay dhamaan kooxaha 6-da ah ee premeir League xaqiijiyeen in ay ka bexeen tartanka European Super League.

Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa ugu horeeyay waxana raacay kooxaha 4-ta ah ee kale taas oo la macno ah in uu tartanka European Super League haatan gabi ahaan bur-buray.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*