RASMI: Da’yarkii Ugu Fiicnaa Ee Tartanka Euro 2020 Oo La Shaaciyay.

UEFA ayaa shaacisay xiddigii da’yarka ahaa ee ugu fiicnaa tartanka euro 2020 kadib markii si Rasmi ah loo soo afjaray tartanka oo ahaa mid xiiso leh.

Tartanka oo muddo bil ah socday ayaa lagu kala baxay xalay kadib markii uu xulka Italy ku guulaystay koobka markii 2-aad ee taariikhdooda.

Xiddiga xulka Qaranka Spain ee Pedri ayaa loo doortay da’yarkii ugu fiicnaa ee tartanka Euro 2020 kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Pedri ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in uu xulka qarankiisu gadho Semi-final-ka tartanka Euro 2020 isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican kulamadii uu ciyaaray.

Kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay Pedri ayaa loo doortay da’yarka ugu fiican tartanka Euro 2020 isaga oo abaalmarinta ku garaacay xiddigo kale oo da’yar ah.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*