RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Lagu Daray Liiska Man United Ee Kulanka Champions League Ee Young Boys

Cristiano Ronaldo ayaa lagu daray Liiska kooxda Man United ee furitaanka Champions League oo ay la ciyaari doonaan kooxda Young Boys.

Kadib markii uu 2 gool ku bilowday noloshiisa 2-aad ee Man United kulankii Newcastle xiddiga ayaa lagu daray Liiska 22 xiddig ee u safri doona dalka Switzerland kulan ka tirsan Group F ee champions league.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Cristiano u ciyaaro Man United tartanta champions league ayaa ahaa Final-kii tartanka ee sanadkii 2009 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen kooxda Barcelona.

Xiddiga Edinson Cavani ayaa mar kale seegay sabab la xidhiidha dhaawac halka uu Dean Henderson dhankiisa ka maqan yahay Kooxda sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Marcus Rashford, Scott McTominay, Alex Telles iyo Phil Jones ayaa sidoo kale maqnaa halka ay ka soo muuqdeen liiska xiddigaha da’yarka ah ee Anthony Elanga iyo Matej Kovar lagu daray.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*