RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Euro 2020.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay gool dhalinta tartanka euro 2020 kadib markii la soo afjaray tartanka oo muddo bil ah ka socday qaarada yurub.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro dhigay tartanka Euro 2020 intii uu ciyaarayay isaga oo dhaliyay 5 gool tartanka euro isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay guulo muhiim ah.

Inkasta oo xulkiisa Portugal lagu reebay wareega 16-ka hadana Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 5 gool 4-tii kulan ee uu ciyaaray tartanka Euro 2020.

Xiddiga reer Czech Rebaplic ee Patric Schick ayaa la goolal ahaa Cristiano Ronaldo laakiin xiddiga reer Portugal ayaa gool dhalinta ku garaacay hal caawin oo uu sameeyay kulankii Germany.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*