RASMI: Cesar Azpilicueta Oo Albaabka Ka Xidhay Barcelona, Chelsea Ayuu Mustaqbalkiisa U Hibeeyay.

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in kabtanka kooxda ee Cesar Azpilicueta heshiis cusub u saxiixay kooxda.

Xiddiga Cesar Azpilicueta oo si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda chelsea suuqa xagaagan ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub.

Cesar Azpilicueta ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo 2 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda Ku ciyaarta Stamford Bridge.

Heshiiska cusub ee Cesar Azpilicueta ayaa la macno ah in uu xiddigu albaabka ka xidhay kooxda Barcelona oo aad u doonaysaysay saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Spain ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Barcelona kuwaas oo doonayay saxiixiisa laakiin xiddiga Azpilicueta  ayaa go’aansaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*