
Bayern Munich ayaa ugu dambayn xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sadio Mane kaas oo ay kala wareegtay Liverpool.
Tan ilaa final-kii champions League 29-kii bishii May, Mane ayaa lala xidhiidhinayay isaga tagista Liverpool kadib 6 sano oo uu joogay.
Bayern Munich ayaa ahayd kooxda lala xidhiidhinayay xiddiga 30 jirka ah kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Munich ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer Senegal kana dhigtay saxiixyadeeda suuqa xagaaga.
Xiddiga reer Senegal Mane ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2025.
Mane ayaa soo afjaray 6 sano oo uu joogay kooxda Liverpool kulana guulaystay 6 koob oo ay ka mid yihiin premier League iyo champions League.
Be the first to comment