RASMI: Bayern Munich Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Leroy Sane

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Leroy Sane kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.

Xiddiga reer Germany ee Leroy Sane ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2025.

Bayern Munich ayaa xiddiga ka soo bixisay lacag dhan 50 milyan oo euro iyaga oo ugu dambayn helay saxiixa xiddiga kadib muddo ay ku raad joogeen.

Sane ayaa ku biirista Bayern ku dhawaday xagaagii hore laakiin xiddiga ayuu dhaawac soo gaadhay taas oo keentay in uu heshiisku bur-buro.

Laakiin ugu dambayn waxa uu ku biiray Bayern Munich isaga oo qalina ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku guulaystay Bundesliga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*