RASMI: Barcelona Vs Bayern Munich & Isku Aadka Wareega 8 Dhamaadka Champions League Oo Dhamaystiran.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray kulamadii hadhsanaa wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo laba kooxood iska xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka.

Kooxda Man City ayaa jiidhay Kooxda Real Madrid iyaga oo goostay tigidhkooda wareega 8 dhamaadka ee tartanka champions League.

Dhanka kale Lyon ayaa ka yaabsatay Juventus qaab taariikhi ahna ku reebtay kooxda reer Italy iyaga oo gaadhay wareega xiga ee tartanka.

Sidoo kale Barcelona ayaa si raaxo leh isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay xasuuqday kooxda reer Italyn ee Napoli.

Ugu dambayn Chelsea ayaa ceeb kala soo laabtay Germany kadib markii ay Bayern Munich ku soo bar-baratay dushana u soo saartay guuldaro culus.

Hadaba waxa haatanba la sii ogyahay sida ay kooxuhu u wada ciyaari doonaan wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan oo lagu ciyaari doono dalka Portugal.

Kulamada 8 dhamaadka champions League ayaa la ciyaari doonaa 4 maalin gudohood iyada oo la bilaabi doono 12 bishan oo ku beegan maalinta Arbacad todobaadkan iyada oo la soo afjari doono Sabtida todobaadka dambe.

Hadaba halkan kaga bogo isku aadka wareega 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkan.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*