RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Pedri.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Pedri qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kula joogi doono ilaa xagaaga 2026.

Kooxda ayaa heshiiska ugu dhawaaqday muuqaal cajiib ah oo ay ku muujinayso in uu xiddiga Pedri saxiixay heshiis cusub isaga oo calaamada saxiixa ku muujinaya Camerada.

Pedri ayaa muhiim ka noqday kooxda Barcelona tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda Las Palmas xilli ciyaareedkii hore isaga oo ciyaaray kulamo badan oo kooxda ah.

Waxa intaas sii dheer in ay kooxdu heshiiska xiddiga 18 jirka ah ku xidhay lacag dhan 1 bilyan oo euro oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa mustqbalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*