RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Kooxdeeda Ah Lagana Saaray Liiska Xiddigaha Ka Hor Tagi Doona Villarreal

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Junior Firpo saacad ka hor kulanka caawa ee ay la ciyaari doonaan Villarreal.

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta Villarreal kulan muhiim u ah kooxda Barcelona kana tirsan horyaalka la Liga kaas oo ay doonayso in ay guul ka gaadho.

Kooxda ayaa haatan warbixin ka soo saartay xaalada dhaawac ee xiddiga Junior Firpo kaas oo ka dhaawacmay jilibka lugta midix sidaas darteed aanu ka qayb noqon doonin Liiska xiddigaha ka hor tagi doona Villarreal.

Junior Firpo ayaa liiska dhaawacyada kula biiraya xiddigaah Frankie De Jong iyo Samuel Umtiti kuwaas oo markii horeba dhaawac looga reebay kulanka Villarreal ee horyaalka.

Dhaawacan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Barcelona kuwaas oo u dagaalamaya difaacashada horyaalka La Liga kuwaas oo 4 dhibcood ka dambeeya kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*