
Kooxda Barcelona ayaa haatan si Rasmi ah garoonkeeda Camp Nou ugu soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Robert Lewandowski kaas oo kooxda ku soo biiray suuqa xagaaga.
Garoonka Camp Nou ayay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha kooxda Barcelona si ay u soo dhaweeyeen saxiixooda cusub ee Robert Lewandowski.
Xiddiga Robert Lewandowski ayaa garoonka salaan iyo soo dhawayn kaga qaatay taageerayaasha kooxda Barcelona isaga oo markii ugu horaysay dhex galay garoonka kooxdiisa cusub.
Robert Lewandowski ayaa garoonka soo galay isaga oo xidhan Lambarka uu u qaadan doono kooxdiisa Barcelona inta uu joogo kadib markii uu xagaagan ku soo biiray kooxda.
Xiddiga Robert Lewandowski ayaa kooxda Barcelona u xidhan doona No.9 oo looga qaaday xiddiga Memphis Depay kaas oo kooxda u qaadanayay xilli ciyaareedkii hore.
TOT EL CAMP! ššš @lewy_official pic.twitter.com/dx8YpDKG6f
ā FC Barcelona (@FCBarcelona) August 5, 2022
Be the first to comment