RASMI: Barcelona Oo Dhamaystirtay Saxiix Sergiño Dest & Wakhtiga Uu Kulankiisa Ugu Horeeya Kooxda U Ciyaari Doono Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergiño Dest kaas oo ka ciyaara daafaca Midig.

Barcelona ayaa Sergiño Dest oo 19 jir ah kala soo wareegtay kooxda Ajax isaga oo noqday saxiixii ugu dambeeyay ee ay kooxdu samaysay xagaagan.

Barcelona ayaa xiddiga 19 jirka ah ku soo bandhigtay garoonka Camp Nou isaga oo saacadihii la soo dhaafay ku baasay tijaabada caafimaadka ka hor inta aan lagu dhawaaqin saxiixiisa.

Sergiño Dest ayaa la sheegayaa in uu kulankiisa ugu horeeya ee kooxda Barcelona u safto kulanka sabtida ee ay La ciyaari doonaan Sevilla.

Xiddiga reer Ameirca ayaa booska daafaca Midig kaas oo ay kooxda Barcelona ka dhibaatootay sanadihii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*