RASMI: Athletic Club vs Real Madrid & 8 Dhamaadka Copa Del Rey-ga Oo La Soo Saaray

Isku aadka wareega 8 dhamaadka copa del Rey-ga ayaa la sameeyay waxana isku aadka ka soo baxay kulamo xiiso leh kuwaas oo si weyn loo sugayo ciyaarista kulamada.

Kulamada ayaa la ciyaari doonaa 1 iyo 3 bisha soo socota ee February iyada Real Madrid iyo Athletic Bilbao ay ku kulmi doonaan wareegan kadib markii ay Todobaaydo ka hor ku kulmeen final-ka Spanish Super Cup.

Maanta la sameeyay isku aadka waxana sameeyay Halyeeyga reer Spain ee David Villa waxana ay kooxuhu haatan isha ku hayaan ciyaarista kulamada 8 dhamaadka tartanka.

Halkan hoose kaga bogo isku aadka wareega 8 dhamaadka Copa del Rey-ga:

Athletic Club vs Real Madrid

Real Sociedad vs Real Betis

Valencia vs Cadiz

Rayo Vallecano vs Real Mallorca