RASMI: Arsenal Oo Xaqiijisay Lambarka Cusub Ee Uu Thomas Partey U Qaadan Doono Kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay lambarka cusub ee uu qaadan doono xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga reer Ghana ayaa Kooxda u qaadanayay Lambarka No.18 kadib markii uu Arsenal kaga soo biiray Atletico Madrid xagaagii hore isaga oo xilli ciyaareedkii hore xidhay Lambarkaas.

Laakiin Kooxda ayaa haatan daabacsaday maaliyada cusub ee xiddiga khadka dhexe isaga oo xidhan doona Lambarka No.5 oo uu sidoo kale u xidho xulka qaranka dalkiisa Ghana.

Arsenal ayaa haatan bar-baraha bulshada ku faafisay Maaliyada Arsenal oo uu dhabarka kaga qoran yahay magaca iyo waliba Lambarka cusub ee uu xiddigu xidhan doono xilli ciyaareedka dambe.

Thomas Partey handed his favourite No. 5 jersey at Arsenal [VIDEO] – Citi  Sports Online

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*