RASMI: Arsenal Oo Shaacisay Lambarka Uu Ben White U Xidhan Doono Kooxda

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Ben White kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii suuqa xagaaan kadib markii ay maanta si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixiisa.

Gunners ayaa White ka dhigtay daafaceeda ugu qaalisan taariikhda kooxda Arsenal iyaga oo xiddiga kala soo wareegay kooxda Brighton oo uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay Lambarka uu White u xidhan doono kooxda Arsenal kadib markii uu si Rasmi ah ugu biiray maanta laguna dhawaaqay heshiiskiisa.

Arsenal ayaa sheegtay in uu xiddiga 23 jirka ah kooxda Arsenal u xidhan doono Lambarka No.4 waxana uu haatan si Rasmi ah u bilaabay tababarka si uu diyaar ugu noqdo kulanka Ay Arsenal la ciyaari doonto chelsea Axda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*