RASMI: Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Kale Oo Wacdaro Dhigay Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal aya heshiis cusub ku abaalmarisay xiddiga da’yarka ah ee Gabriel Martinelli kadib markii qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Premier Legaue.

Xiddiga reer Brazil ee 19 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo wakhti dheer ah kaas oo uu ku sii joogi doono Emirates Stadui,

Gabriel Martinelli ayaa dhaliyay 10 gool 26 kulan oo uu u saftay Arsenal tan ilaa markii uu xagaagii kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee minnows Ituano.

Saxiixa xiddiga ayaa noqday mid guul u noqda kooxda waxana ay maamulka Arsenal go’aansadeen in ay heshiis cusub u abaalmariyaan xiddiga.

Heshiiska ayaa la sheegayaa in uu yahay mid ilaa 2024 ah iyo waliba hal sano oo dookh ah.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Run ahaantii waan ku faraxsahay in uu Gabi heshiis cusub u saxiixo kooxda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*