RASMI: Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Aad Loo Qiimeeyo.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti fog ah ka saxiixatay xiddiga da’yarka ah ee Folarin Balogun kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa Arsenal ku soo biiray sanadkii 2017 waxana uu kooxda joogaa tan ilaa markii uu jiray 9 sano waxana uu sii joogi doonaa kooxda Arsenal.

Folarin Balogun ayaa heshiis cusub u saxiixay Arsenal kadib markii uu iska diiday kooxaha Man United iyo Liverpool kuwaas oo doonayay in ay helaan saxiixa xiddiga da’yarka ah.

Heshiiska Folarin Balogun ee Arsenal ayaa dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu xor u noqon lahaa in uu ku biiro kooxda uu doonayo marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayaa haatan saxiixay heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono muddo dheer kadib markii uu go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda Arsenal.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*