RASMI: Arsenal Oo Bixisay Lacagta Lagu Bur-Burinayo Heshiiska Thomas Partey.

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga Thomas Partey kaas oo haatan soo gaadhay magaalada London si uu u dhamaystiro si uu tijaabadaa caafimaadka ugu maro kooxda.

Arsenal ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey kaas oo uu Mikel Arteta u doonayay in uu ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Arsenal ayaa horumar ka samaysay baacsiga ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe xagaagan oo dhan laakiin waxa ay ugu dambayn u muuqataa in ay gacanta ku dhigayaan xiddiga.

Wararka ayaa haatan sheegaya in ay Arsenal bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Thomas Partey ee 45 milyan ah.

Xiddiga reer Ghana ayaa la sheegayaa in uu qalinka ku duugi doono heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Arsenal.

Sii Akhriso: Booliska Somaliland Oo Xidhay Rag Diinta Kiristaanka Ku Faaniyay Dalka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*