RASMI: Arsenal & Liverpool Oo Wada Ciyaari Doona Tartanka Community Shield & Wakhtiga La Ciyaari Doono.

Kooxaha Arsenal & Liverpool ayaa isaga hor iman doona kulanka Community Shield xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay Arsenal ku guulaystay FA Cup-ka.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona kulanka furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee Community Shield kaas oo ka dhici doona garoonka Wembley.

Kulanka ayaa la ciyaari doonaa 29 bishan haatan lagu jiro ee August kulan soo gali doona 5:00 Galabnimo ee wakhtiga geeska Africa.

Community Shield ayaa ah kulan ay isaga hor yimaadaan kooxda ku guulaysata FA Cup-ka iyo kooxda ku guulaysata Premier League.

Labada Kooxood ayaa horay isaga hor yimid tartanka Community Shield 2 jeer waxana guul gaadhay kooxda Liverpool oo kulan 1/0 ku qaaday mid kalena 3/1 ku qaaday.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*