Koobka Adduunka ee FIFA World Cup 2026 oo ay ka qaybgalayaan 48 waddan ayaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyey.
Tani waxay timid kadib markii la soo gabagabeeyey isreeb-reebka Yurub iyo play-offs-ka qaaradaha kale Talaado iyo Arbaco.
Lixda xul ee ugu dambeysay ee xaqiijiyey ka qaybgalka tartanka waa: Congo DR, Iraq, Sweden, Czech Republic, Turkiye iyo Bosnia & Herzegovina.
Xulalkan waxay ku biirayaan 42 waddan oo horey u xaqiijiyey boosaskooda tartanka.
Sidoo kale, dhammaan 12-ka group ee Koobka Adduunka 2026 ayaa la xaqiijiyey.

Be the first to comment