Rashford Oo Ka Fal Celiyay In Laga Reebay Tartanka Euro 2024.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa ka fal celiyay ka reebistii laga reebay xulka England.

Waxa maanta la soo saaray Liiska xiddigaha xulka England u matali doona tartanka Euro 2024.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa is dhex waayay liiska isaga oo seegi doona tartanka.

Reebista Marcus Rashford ayaa timid kadib markii uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Kadib markii laga reebay Liiska xiddiga Marcus Rashford ayaa afka furtay kana hadlay reebista laga reebay liiska.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaan u rajeynayaa Gareth iyo wiilasha wanaag oo dhan tartanka soo socda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga