Marcus Rashford ayaa ku faraxsan inuu ka qayb qaato El Clasico-giisii ugu horreeyay marka ay Barcelona la ciyaarayso Real Madrid wuxuuna sheegay in ciyaaraha heerkaas ah ay yihiin “sababta aan u imid” Barcelona.
Rashford oo qaab ciyaareed fiican ku jira tan iyo markii uu amaah ugu biiray Barca ayaa laba gool dhaliyay Salaasadii ciyaartii ay 6-1 kaga badiyeen Olympiacos tartanka Champions League.
27-jirkan ayaa hadda dhaliyay shan gool isla markaana sameeyay afar caawin tan iyo markii uu amaah uga yimid Manchester United.
Rashford wuxuu ka soo muuqan karaa kulankiisii ugu horeeyay ee El-Clasico todobaadka dambe marka ay Barcelona booqanayso Real Madrid.
Kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ayaa booqan doonta Madrid iyagoo og inay hogaanka kala wareegi doonaan kooxda ay xafiiltamaan haddii ay ku soo laabtaan Barcelona iyagoo saddexda dhibcood helay.
“Ciyaarta Real Madrid waa mid muhiim u ah waana mid ka mid ah sababihii an u imid”ayuu Rashford yidhi.
“Waan sugayaa ciyaartaas.”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment