Rashford, Guehi, Barcola, Gallagher, Zirkzee Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.

Barcelona ayaa la kulantay wakiillada difaaca Crystal Palace Marc Guehi, balse waxay go’aansatay in ayna sii wadin baacsiga xiddiga sabab la xidhiidha dhaqaalaha lagu dhamaystirayo heshiiska xiddiga (Mundo Deportivo).

Kooxda Liverpool ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa Marc Guehi suuqa January (Mail)

Weeraryahanka weerarka ee xulka England Marcus Rashford, oo 28 jir ah, ayaa sheegay in “himiladiisa ugu dambaysa” ay tahay inuu sii joogo Barcelona, oo uu xagaagii amaah kaga soo biiray Manchester United (Sport).

Iyadoo Antoine Semenyo uu doorbidayo inuu u wareego Manchester City, Liverpool ayaa danahooda u weecisay garabka 23-jir ah ee Paris St-Germain iyo xulka France, Bradley Barcola (CaughtOffside).

Barcelona waxay isku dayayaan inay la saxiixdaan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee Tavares (Mundo Deportivo).

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ku tartamaya saxiixa daafaca Kooxda Bournemouth Marco Sensi kaas oo dalbaday in uu ka tago kooxda bilowga sanadka 2026 (Teamtalk).

Kooxda Man Unied ayaan wali Atletico Madrid kala hadlin saxiixa Conor Gallagher laakiin Red Devils ayaa dareensan in ay kooxda Atletico Madrid diyaar u tahay in ay xiddiga ku iibiso 35 milyan (Mail).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Brentford ee Igor Thiago si ay ugu buuxiyaan booska Isak ee dhaawacmay (CaughtOffside).

Kooxda Man United ayaa hakisay bixitaanka xiddiga Joshua Zirkzee ilaa dhamaadka tartanka Koobka Africa (ESPN).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga