Raphinha Oo Diyaar U Ah In Uu Sanad Sii Joogo Leeds Si Uu Ugu Biiro Barcelona.

Xiddiga kooxda Leeds United ee Raphinha ayaa diyaar u ah in uu sugo inta ay Barcelona xalinayso xaaladeeda dhaqaale si uu ugu biiro kooxda Barcelona sida laga soo xigtay ESPN.

Xiddiga reer Brazil ayaa xitaa diyaar u ah in uu sugo muddo 6 bilood ah ama muddo hal sano ah si uu ugu biiro kooxda reer Catalania.

Raphinha ayaa diyaar u ah in uu sii joogo Leeds United ilaa sanadka 2023 si uu ugu biiro Barcelona hadii ay xagaagan awoodi waydo in ay la saxiixato.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay aad ugu dhawdahay in ay Leeds United kala heshiiso saxiixa xiddiga Raphinha iyaga oo dalab 60 milyan oo euro ka gudbiyay.

Xiddiga reer Brazil Raphinha ayaa dhaliyay 29 gool 67 kulan oo uu premier League ah intii uu joogay kooxda Leeds United.

Heshiiska xiddiga Raphinha ayaa dhici doona ilaa xagaaga 2024 waxana ay kooxda Leeds diidantahay in ay lacag yar ku iibiso xiddiga.