Raphinha Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Ka Dhigay Champions League

Xiddiga kooxda Barcelona ee Raphinha ayaa sii wada wacdarihii uu ka dhigayay champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Raphinha ayaa dhaliyay gool kulanka ay kooxdiisu la ciyaartay Inter Milan Semi-final-ka champions League.

Goolka Raphinha ayaa ahaa goolkii 21-aad ee uu ku lug lahaa tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kadib goolka Raphinha ayaa bar-bareeyay rikoodhkii Cristiano Ronaldo ee ku lug lahaanshaha goolasha tartanka.

Raphinha Ayaa ku lug lahaa 21 gool champions League isaga oo dhaliyay 13 gool halka uu caawiyay 8 kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga